Dhiig Kar- Taariikhada iyo Maareynta

Dhiig Kar- Taariikhada iyo Maareynta

Dhiig Kar One 2021-02-28 15

Cadaadiska dhiiggu (CD) waa kan ugu muhiimsan caalaamadaha la xiriira ama ku saabsan nolosha oo bukaanka laga cabiro sida (garaaca wadnaha, heerka xummadda iyo heerka neefsashada). Da'da, jinsiga iyo taariikhda sigaar cabista kadib, CD waa tilmaanta ugu fiican ee odorosi karta nooloshaada iyo boqolkiiba inta noloshaada kamid ah oo aad naafoobi kartid waxyeellada uu jirka u geysto dhiig karku dartood sida: Stroke (faalig), wadnaha oo istaaga, kilyaha oo istaaga, wadno qabad iyo adkaanshaha halbowlayaasha oo lamid ah marka tuubooyinku miriraan oo markuu mirirku batana hakad galinaya socodka dhiigga, sahlayana in dhiiggu xinjiroobo, halboowluhuna xirmo, xubintii uu waraabinayana dhiig heliweydo ayna dhimato.

Sidee loo kala gartaa cadaadiska dhiigga oo caafimaad qaba iyo kan aan caafimaad qabin? Heerka cadaadiska dhiigga ee aan caafimaad qabin waa kan la ogaaday inuu keeni karo dhibaatooyin la xiriira dhiig karka (sida stroke, wadna istaagid) ama dhimasho goor hore; Waxyeelooyinkaasna  la yarayn karo marka daawada dhiig karaka la qaato ama hab-nololeedka la badalo.

 

Waa maxay Cadaadiska Dhiiggu laftiisu?

Cadaadiska dhiiggu (CD) waa cadaadiska dhiiggu ku qabanayo derbiyada dhuumaha dhiigga qaada, marka wadnuhu isku-soo-aruuro ama jirroro  oo dhiigga ku tufo dhuumahaas. cadaadiskaas dhiigga waxaa la yiraahdaa (systolic pressure), waana kan kore marka cabirka cadaadiska la qorayo; Marka wadnuhu nasanayo inta u dhaxeysa garaacyada wadnaha, cadaadiska dhiigga waxaa lagu magacaabaa (diastolic pressure), waana kan hoose marka la qorayo cabirka waana ka yar yahay kan kore. Cadaadiska dhiigga waxaa lagu go'a miyaa xaddiga dhiigga uu wadnuhu ku shubayo dhuuma dhiigga halkii daqiiqo oo la yiraahdo (cardiac output-CO) oo lagu dhufto xaddiga iska caabbinta (resistance) socodka dhiigga ee dhuumaha dhiigga qaada. CD = CO x caabbinta qulqulka.

Cadaadiska dhiigga waxaa lagu cabiraa milimitirka meerkurida (mm Hg) waxaana marka hore lagu diiwaan geliyaa lambarka kore (systolic), waxaa ku xiga lambarka hoose (diastolic). Tusaale ahaan, cadaadiska dhiigga ee caadiga ah waxaa loo qori doonaa (120/80) mm Hg.


Sidee markii ugu horaysay loo cabiray CD?

 Wadaadkii, Stephen Hales ayaa ahaa qofkii ugu horeeyey oo CD cabira, wuxuuna si toos ah uga cabiray halbowle faras (Geenyo) 1773dii.

Qiyaastii qarni ka dib, aaladaha loo yaqaan "sphygmographic" ayaa la sameeyay si loo cabiro cadaadiska dhiigga ayadoo aan loo dhacayn dhuumaha dhiigga qaada; aaladahaas hore waxay ahaayeen kuwo dhib badan oo aan si sahlan oo deg deg ah wax u dareemayn. Soo bandhigidii sphygmomanometer-ka Mercuryga dabayaaqadii 1800s iyo horaantii 1900s waxaa takhaatiirta qaar ogolaadeen in aaladaani waxtar qiimo leh u leedahay ogaanshaha cudurka. Kadib markii Korotkoff uu sharaxaad taariikhi ah ka bixiyey isticmaalka sanqarta wadnaha garaaciisa sanadkii 1905 lana ogolaaday in habkaas maqalka ah loo cabiro cadaadiska dhiigga, isbadal kale kuma dhicin cabirka cadaadiska dhiigga ilaa dabaqyaaqadii qarnigii 20aad. Markaasoo sababo la xiriira walaac caafimaad oo laga qabo Mercuryga darteed, ayaa manometer-ka meerkuriga gebiahaan lagu beddelay aaladda aneroidka iyo qalabka elektaroonigga ah (digital), laakiin wali waxaa loo isticmaalaa in lagu hubiyo saxsanaanta (calibration) aaladahaan kale, ayadoo la raacayo hab-maamuusyo loo dejiyey.

 

Maaddaama farsamooyinka lagu cabirayo cadaadiska dhiigga ay soo fiicnaadeen, caddaymo badan oo sheegaya xiriirka dhiig karka iyo dhimashadana la hubsaday, shirkado badan ayaa bilaabay inay shardi ka dhigaan  cabiraadda cadaadiska dhiigga ee codsadayaasha caymiska. Abbaartii 1918, shirkaduhu waxay ku cabirayeen cadaadiska dhiigga systolic iyo diastolic (kan kore iyo kan hoose) dhagaysi ahaan, ayagoo raacaya shuruudo jaangoysan, halka markii hore ay si fudud cadaadiska dhiiga systolic ugu cabiri jireen taabasho keliya. Bulshada Actuarial Society of America ayagoo soo xiganaya warbixinno taxane ahaa oo u dhaxeeyey 1925kii iyo 1979kii, waxay soo bandhigeen qaybinta ku saleysan dadweynaha ee cadaadiska dhiigga, xiriirka da’da iyo cadaadiska dhiigga, iyo xiriirada cadaadiska dhiigga ee culayska jirka iyo jirrooyinka wadnaha iyo dhimashada (Framingham study 1948). Si kastaba ha noqotee, helitaanka daawooyinka sanadihii 1950kii ee hoos u dhigay CD, waxay horseeday hirgelinta tijaabooyin baaxad leh 1960kii (Veterans Administration Cooperative Studies of Hypertension) iyo horraantii 1970-yadii (Hypertension Detection and FollowupProgram (HDFP), kuaas oo muujiyay in hoos u dhigida cudurada iyo dhimashada bukaanka dhiig karka qaba, lagu gaari karo daaweyntaa dhiig karka;  halista hoos u dhigida CD aan caafimaadka qabin waa ka miisaan weyn tahay in aan hoos loo dhigin Sababta oo ah bukaanada CD uu gaaro heerarka aan caafimaadka qabin badanaa ma laha calaamado muujinaya jiritaanka xaaladan, dariiqa kaliya ee lagu ogaan karo "Dilaagaas Aamusan" waa in si sax ah loo cabiro CD. Sidaas darteed, sababta ugu weyn ee loo cabiro CD ee klinikada waa in lagu ogaado isbeddelada CD ee aan caafimaadka qabin, taas oo ah heerkaas dhiig karka (>140/90 mmHg) kor ku xusan oo adiga (ama bukaankaaga) aad ka caafimaad qabidoontaan mustaqbalka fog haddii CD hoos loo dhigo, tan waxaa lagu tuhmay daraasado indho-indheyn ah waxaana lagu caddeeyey tijaabooyinka clinical research. Tijaabooyinkaan badankood waxay ku sulaysnaayeen dadkoo laga cabiro CD, ayadoo la isticmaalayo, lana raacayo tilmaamaha AHA.

 

CD oo si sax ah loo cabiro aad ayey muhiim ugu tahay nidaamka daryeelka caafimaadka, waana xirfadda ugu muhiimsan xirfadaha caafimaadka lagu barto. Si sax ah oo aad u cabirtid CD waxay gaarsiinaysaa bukaanno badan caafimaad qab eeyan ka heli Karin xirfadaha kale oo aad baratid oo dhan. Si khalad ah oo aad u cabirtid CD waxay u keenaysaa  bukaanno badan dhibaato caafimaad oo ka badan inta khaladyada xirfadaha kaloo dhan aad samayn kartid intaad shaqaynaysid. "(CE Grim MD 1991: Manhajka Ka Hortagga UCLA ee Caafimaadka, Tababbarka Cabbirka Cadaadiska Dhiigga iyo Barnaamijka Shahaadada, Sannadka Koowaad)". Daraasaduhu waxay muujinayaan in "xitaa" (5 mm Hg) khaladka cabbirka CD ah  ay saameyn ku yeelanayso tirada dadka dhiig karka qaba iyadoo si khaldan dad badan oo CD caadi yahay,  ku tirinaysa dad dhiig kar qaba oo mar mar la siiyo daawa eeyan u baahnayn, ama si ka xun dad dhiig kar qaba  ka dhigaysa dad CD oo  caadi yahay, taasoo baajinaysa daaweynta kuwa loo baahan yahay  (Daraasadda HDFP).

American Heart Association, wuxu jideeyey in habka ugu wanaagsan (Heerka dahabiga) ah ee cabiraadda CD uu yahay kan soo socda:

a. Habka dhagaysiga  ayadoo la isticmaalayo meerkuriga manometer ama aneroid.

b. Qalab kasta oo elektaroonik ah oo laga ansaxiyay Ururka Mareykanka ee Horumarinta Qalabka Caafimaadka (AAMI3) inuu sax yahay.

Akhrinta cadaadiska dhiigga waxay leedahay lambar sare (systolic) iyo lambarka hoose (diastolic). Cadaadiska dhiigga ee ugu fiican waa 120/80 mm Hg.  CD caadiga ihi waa kan ka yar ≤ 130/85. Dhiig kar waa marka CD le’eg yayay ama ka badan yahay ≥140/90. Dadka uu cadaadiska dhiigoodu ka sarreeyo heerka caadiga ah waa inay weydiiyaan dhakhtarkooda sida loo yareeyo.

Halkaan garaac → SIDA SAXDA  AH OO DHIIGGA LO CABIRO

Qiimayta ugu horreysa: CD Ka cabir labada gacmoodba, hadday suurtowdana isku mar. Haddii uu jiro farqi soo noqnoqonaya oo u dhexeeya labada gacmood oo toban iyo ka badan (> 10) mm Hg marka dowr jeer la cabcabiro, isticmaal gacanta leh CD badan. Haddii farqiga uu yahay labaatan iyo kabadan (> 20 mm Hg) baaritaan dheeri ah u dir bukaanka si loo ogaado jiritaanka cudurada ugu badan oo keena farqiga CD labada gacmood ee dadka waayeelka ah sida ciriiriga dhuumaha dhigga ( left Subclavian artery and aorta), kuwaasoo keenaya in CD gacanta bidix hooseeyo.

CD qofkoo sarajooga: waxaa laga cabiraa dadka dhiig karka qaba, daawana qaata hal daqiiqo iyo markale 3 daqqiiqo kaddib hadii lagu tuhmo in CD-igu gaarayo heer hoose (hypotension). Waxaa kaloo CD qof istaagan laga cabiraa dadka waayeelka ah oo sonkor macaanka qaba marka ugu horeysa oo takhtarku arkayo.

CD oo la cabiro qofkoo aan lala joogin: Waa hab cusub oo aan weli guud ahaan dhaqangalin. Cabbiraado badan oo CD ah oo la qaado inta bukaanku keligiis ku jiro xafiiska takhtarka waxy bixinayaan qiimeyn dheellitiran, sidoo kale waxy tusayaan heerar CD oo ka hooseeya cabbirada caadiga ah ee xafiiska oo aan suurta galinayn inla hubiyo xadka dhiig karku ka bilaamayo. Xaqiijinta CD ee xafiiska takhtarka ka baxsan ayaa mar kale loo baahan yahay inta badan si go’aan looga gaaro habka daaweynta.

 

Calaamahada dhiigkarka iyo Aqoonsiga Dhiig-karka

Dadka badankoodu calaamada malaha, iyada oo xitaa CD uu aad u sareeyo. Adigoo aanad calaamad lahayn buu hadana soconayaa dhiigkarku oo waxyeelaynayaa, saamayna ku yeelanayaa wadnaha iyo dhuumaha dhiigga qaada; waana tan loo yiraahdo “Dilaa Aamusan”. Calaamadahaa lagu arki karo se waxaa kamid ah:

 Madax xanuun. Aragtida oo ceryaamooo noqota. Laabta oo xanuun laga dareemo. Wadnaha garaaciisa oo kordha. Lugaha oo barar lagu arko. Neefsashada oo dhibta / sanka oo gorora; badankood calaamadahaan waxaa la arkayaa marka dhiig karku waqti badan soo jiray aadna u sareeyey.

Sida kaliya ee lagu ogaan karo dhiig karka waa ayadoo si si sax ah loo cabiro CD.

Dkiig kar waxaa loo aqoonsanayaa marka CD qofku gaaro ama dhaafo 

≥ 140/90 mm Hg. Dhiig karku wuxuu u qaybsamaa labo: (a) Dhiig kar-darajada 1aad oo ah 140-159 mm Hg kan kore iyo kan hoose oo ah 90/99 mm Hg iyo (b) drajada 2aad oo ah marka kan kore yahay ≥ 160 mm Hg, han hoosana ≥ 100 mm Hg. Dadka lagu sheego oo la hubo inay qabaan dhiig karka darajada 1aa iyo 2aad waa inay helaan daawooyinka dhig karka hoos u dhiga ayadoo lagu toosinayo hadba CD heerkiisa. Dhiigkarku waa xanuun kula soconaya noloshaada, markaa waxaa muhiim ah in aad CD markasta cabirtid oo aad la socotid kolba heerka uu marayo cabirka CD.

CD caadiga ah oo sareeya (130-139 / 85-89 mm Hg) waxaa loogu talagalay in lagu aqoonsado dadka ka faa'iideysan kara wax ka bedelka qaab nololeedkooda, oo haddii loo baahdana, tilmaamo adagna jiraan la daaweeyo.

Dhiigga kar kan kore keliya waa marka (systolic) oo le’eg ama ka badan ≥140 mm Hg iyo kan hoose oo ka hooseeya < 90 mm Hg) wuxuuna ku badan yahay dhalinyarada iyo dadka da'da ah. Dhiig karka noocaani ah waa kan ugu badan oo ku dhaca dhalinyarada iyo caruurta, laakiin wuxuu sidoo kale si gaar ah ugu badan yahay waayeelka, taas oo ka imaanaysa dhumahooda dhiigga oo ciriiri noqonaya da’da augeed.

        Dadka qaba dhiig karka darajada 1aad iyo 2aad waa in ay qaataan daawooyinka dhiig karka, qaybiskaasna waxaa loo sameeyey si laysugu toosiyo haabka daaweynta iyo heerka CD.

 

Xaaladda dhiig-karka ee adduunka

Dhiig karku waa halka cudur oo keliya oo ugu muhiimsan ka hortagga sababaha keena dhimasho hore ee dalalka horumaray.

Boqolkiiba lixdan booqashada takhtarada ee dadka waaweyn waxay la xiriirtaa dhiig kar. Waana sababta ugu weyn ee keenta cudurrada wadnaha iyo dhuumaha dhiiga iyo dhimashaba adduunkoo oo dhan. Baahsanaanta dhibaatadan caafimaad ee bulshada ayaa kusii kordheysa wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa uu dhexdhexaadka yahay ee ku nool magaalooyinka iyo miyiga labadaba. Baahsanaanta dhiig-karka ee adduunka waxaa lagu qiyaasay inay tahay 1.13 bilyan (qiyaastii sanadkii 2015). Dhiig-karka ayaa wali ah sababta ugu weyn ee dhimashada adduunka, taasoo u dhiganta 10.4 milyan oo dhimasho sanadkii. Isbedelada CD waxay tilmaamayaan in dhiig karka baahsanaantiisu ku badnan jirtay dalalka dakhligoodu sareeyo, haddase ay u wareegtay gobollada dakhligoodu hooseeyo, iyadoo lagu qiyaasay 349 milyan oo qaba dhiig-kar dalalka dakhligoodu sareeyo, meesha 1.04 bilyan gobollada dakhligoodu hooseeyo. Farqiga ballaaran ee u dhexeeya baahsanaanta dhiig-karka ee gobollada, waxaa sabab u ah heerarkka hooseeya ee wacyiglinta, daaweynta iyo heerka xakamaynta ee dalaka dakhligoodu hooseeyo, marka la barbar dhigo kuwa dakhligoodu sareeyo. Dadka ugu badan ee dhiig karka qaba waa dadka madow ee ku nool galbeedka addunka; Madowga America (AA) waxay ka mid yihiin dadka ugu badan oo dhiig kar qaba, sannadihii 2011 ilaa 2014 waxay ahaayeen 45.0% iyo 46.3% ragga AA iyo dumarka waxayna 30% ka badan u dhintaan cudurada wadnaha iyo dhuumaha dhiigga marka loo eego dadka cadaanka ah; Meesha kale oo dhiig karku aad ugu badan yahay waa wadamada bartamaha iyo bariga Yurub. Guud ahaan baahsanaanta dhiig-karku waxay la jaanqaadaa da’da, ayadoo badanaysa marka la duqoobo oo ay noqonayso kabadan 60% dadka waawayn oo lixdan jir iyo ka weyn. Kullamaa la cimriyesto, hab nololeed fadhi u bandanna la raaco, miisaanka qofkuna koro, baahsanaanta dhiig karku waa koreysaa adduunkoo dhan. Waxaa la qiyaasayaa in dadka dhiig karka qaba ee addunka ku nool inuu korayo 15-20% sannadka 2025, asagoo gaari doona ku dhowaad 1.5 billion.

 Noocyada iyo Sababaha keena Dhiig karka: Boqolkii95% waa mid aan la garanayn sababta keenta, lana xidhiidha qaab nololeedka qofka sida: Cayilka, Sigaar cabista, Dhaqdhaqaaqa jirka oo hooseeya, cunista Jaadka, Taariikhda qoyska, hurdo la'aanta, isticmaalka cusbo badan, iyo walbahaarka.

Boqolkii 5% waa mid ku yimaada xanuun, sida xanuunka kilyaha, cillad dhuumaha dhigga ee wadnaha ah, qanjidhada qaar oo soo daayana dheecaama badan. Noocan da’ Kasta waa kudhici karaa, laakiinse wuxuu ku badanyhay dadka yar yar. Noocaan waa laga biskoodaa haddi la helo sabata, Meesha kan kale (95%) uu kula soconayo (abid) intaad nooshahay.

Ogaanshaha:

• Qiyaasta CD ee xafiiska ama rugta caafimaadka ayaa inta badan asaas u ah aqoonsiga dhiig-karka iyo la socodkiisa. Marka xafiiska takhtarka la joogo, CD waa in lagu cabiraa iyadoo la raacayo talooyinka iyo tilmaamaha u dagsan cabiraadda saxda ah.

• Marna cudurka laguma ogaan karo hal booqasho oo xafiiska ah kaliya. Caadi ahaan 2-3 booqashooyinka xafiiska ee u dhexeeya 1-4 usbuuc, (waxay kuxirantahay heerka CD), ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo ogaanshaha cudurka dhiig karka. Baadhitaanka waxaa lagu samayn karaa hal booqasho oo keliya, haddii CD uu yahay 180/110 mm Hg oo ay jirto caddayn cudur wadnaha iyo dhuumaha dhiigga qaada.

• Haddii ay suurtagal tahay oo la heli karo, ogaanshaha cudurka dhiig-karka waa in lagu hubiyaa cabirka CD oo meel xafiiska ka baxsan (guriga ama aalad 24 saac lagu xiro qofka).

 

Dhiig kar in qof qabo waxaa kaloo loo aqoonsan karaa haddii xalaadaha soo socda la hayo:

  • CD oo ka badan 140/90.
  • Ama qof qirtay inuu qaato daawooyinka dhiig karka.
  • Ama in loo sheegay qof inuu dhiig kar qabo 2 jeer.

Xigasho: National Health and Nutrition Examination Survey (NHANES).

 

Maaraynta dhiig karka

Isbedelada qaab nololeedka

Xulashada qaab nololeed ee caafimaadka leh waxay ka hortagi kartaa ama daahin kartaa bilowga dhiig-karka, waxayna yareyn kartaa halista uu u leeyahay wadnaha iyo dhuuma dhiigga qaada. Isbedelada qaab nololeedka ee wax ku oolka ah ayaa ku filnaan kara dib u dhigista ama ka hortagga baahida loo qabo daaweynta bukaanka qaba dhiig karka darajada 1aad. Waxay sidoo kale xoojin karaan saamaynta daawada CD hoos u dhigta, laakiin waa inaysan waligood dib u dhigin bilawga daaweynta ee bukaanka qaba waxyeelo xubnaha jirka soo gaaray oo heerka sare oo dhiig karku keenay. Faa'iido darrada ugu weyn ee wax ka beddelka hab-nololeedka ayaa ah adkeysi xumo muddo socota. Tallaabooyinka hab-nololeedka ee lagula taliyay in lagu yareeyo CD waa:

Xaddidaadda cusbada, isticmaalka badan ee khudaarta iyo miraha, miisaanka oo la dhimo, iyo dhaqdhaqaaqa jireed oo la joogteeyo. Intaa waxaa dheer, sigaar cabista waxay leedahay saameyn ba'an oo cadaadis dheer oo soo kicin kara CD maalintii, laakiin joojinta sigaarka iyo tallaabooyinka kale ee qaab nololeedka ayaa sidoo kale muhiim u ah ka hortagga (cudurada wadnaha iyo dhuumaha dhiigga iyo ka hortagga kansarka). Khafiifinta isticmaalka khamriga iyo joojinta cunista Qaadka ee Bariga Afrika iyo Jasiiradda Carabta sidoo kale waa mid aad muhiim u ah. Cusbadoo la yareeyo aad bay muhim u tahay, waxaana jira daraasado sheegaya xiriir u dhexeeya cusbada iyo CD, siiba isticmaalka xad dhaafka ah (> 5 g maalintii, tusaale ahaan, hal qaado yar oo cusbo ah maalintii) ayaa la muujiyey inay saameyn ku leedahay kororka cudurka dhiig karka iyo kororka CD kan kore (systolic) ee waayeelka. Taa bedelkeeda, xaddidaadda cusbada ayaa tijaabooyin badan lagu muujiyey inay saameyn ku leedahay hoos u dhiggidda CD. Dabagal lagu sameeyey tijaabooyin badan waxy muujiyeen in dhimista 1.75 g oo cusbo ah maalintii ay celcelis 4.2 / 2.1 mmHg hoos u dhigayso cabirka kore CD /cabirka hoose CD. Hoos u dhigga CD wuxuu aad uga muuqdaa (-5.4 / - 2.8 mmHg) dadka qaba dhiig karka. Faa'iidada ay dhimista cusbadu u leedahay CD, waxay u janjeertaa inay yaraanayso, sababtoo ah cusba yaraanta oo aan dadku u adkaysanayn karin waqti dheer. Saameynta hoos u dhigista CD cusbadu u leedahay waxay aad uga muuqataa dadka madow, bukaanka waayeelka ah, iyo bukaanka qaba sonkorowga, ama Cudurka Kelyaha ee soo-jireenka ah.

Dadka qaba dhiig karka daawana u qaata, ciriiriga wax ku oolka ah ee  cusbada wuxuu yarayn karaa tirada ama qiyaasta daawooyinka hoos u dhigaya CD ee lagama maarmaanka u ah xakameynta CD. Lama hubo Saameynta dhimista cusbaduu u leedahay dhacdooyinka cudurada wadnaha iyo dhuumaha dhiigga qaada. Daraasada koox-kooxeed ee lala soconayey ayaa ka warbixiyay guud ahaan halista sii kordheysa ee dhimashada iyo dhacdooyinka cudurada wadnaha iyo dhuumaha dhiigga qaada ee qaadashada cusbada badan leedahay. Si kastaba ha noqotee, waxay sidoo kale soo sheegeen yareynta qaadashada cusbadu ee ka hooseysa heer cayiman (qiyaastii 3 g oo cusbo ah maalintii) ay sii yareysay CD, laakiin si isdaba joog ah waxay ula xiriirtay halista sii kordheahysa ee dhammaan sababaha iyo dhimashada cudurada wadnaha iyo dhuumaha dhiigga qaada ee guud ahaan dadka iyo dadka dhiig karka qaba. Isbeddelada kale ee cuntada bukaannada dhiig-karka qaba waa in lagula taliyaa inay cunaan cunto dheellitiran oo caafimaad leh oo ay ku jiraan khudaarta, digiraha, miraha darayga ah, waxyaabaha caanaha laga sameeyo ee dufanku ku yar yahay, miraha guud, kalluunka, iyo olive oil, iyo inay yareeyaan isticmaalka hilibka guduudan. Dhaqdhaqaaqa jireed ee joogtada ah: Dhaqdhaqaaqa jirka wuxuu keenaa kor u kac weyn oo ku yimaada CD, gaar ahaan CD (kan kore), oo ay ku xigto hoos u dhac ku yimaada CD oo ka hooseeya aasaasiga. Daraasado waxay soo jeedinayaan in dhaqdhaqaaqa jirka ee jimicsiga joogtada ahi uu faa'iido u yeelan karo ka hortagga iyo daaweynta dhiig karka, iyo in la yareeyo halista iyo dhimashada cudurada wadnaha iyo dhuumaha dhiigga qaada.

Isbedelada qaab nololeedka ee wax ku oolka ah ayaa ku filnaan kara in dib loo dhigo ama laga hortago baahida loo qabo daawooyinka gaar ahaan bukaannada dhiig karka qaba  ee ka yimaada dalalka dakhligoodu yaryahay  sababtoo ah helitaanka daawooyinka oo yar iyo qiimahooda oo sareeya.

 

Daawada Dhiig Karka

 Bukaannada badankood waxay u baahan yihiin daawooyin marka laga soo tago isbedelka qaab nololeedka si loo gaaro xakamaynta CD ee ugu wanaagsan. Waxaa jira toban (10) nooc oo ah daawooyinka  dhiig karka oo tan ugu cusub ay tahay (Renin antagonists) oo ay tahay in si taxaddar leh in loo isticmaalo, maxaa yeelay waxay ku jirtaa dhiigga hal bil iyada oo renin la'aantiis aan intaas lagu joogi karin. Si kastaba ha noqotee, shan nooc oo waaweyn oo daawooyin ah ayaa lagula tacaala dhiig karaka:

[ACEI (angiotensin-converting enzyme inhibitors), ARBs (angiotensin receptor blocker), beta-blockers, CCBs (calcium channel blocker), iyo diuretics (thiazides and diuretics-u eg thiazide sida chlortalidone iyo indapamide)]. Isticmaalka daawooyinkaas waxay ku salaysan tahay iyagoo

  1. leh awood la xaqiijiyay oo lagu yareynayo CD; (b) caddeyn ka timid daraasado la sheegay inay yareeyaan dhacdooyinka cudurada wadnaha iyo dhuumaha dhiigga. iyo (c) Yarayntaas oo la xaqiijiyey inay ka timid hoos u dhigga CD. Noocyada kale ee daawooyinka si qoto dheer looma baarin aadna looma isticmaalo sababa la xiira waxyeelo ay keenaan, laakiin weli waxtar bay u leeyihiin  bukaannada aan dhiig karkooda lagu xakamayn karin  isku-darka noocyada  waaweyn ee dawooyinka ee kor ku xusan.

 

 

U hoggaansamidda Daawenyta dhiig karka

Gundhig

U hoggaansamida waxaa lagu qeexaa hadba heerka ay tahay dabeecadaha qofka sida qaadashada daawada, raacitaanka cuntada ama fulinta isbadalada qaab nololeedka oo ku aadan talooyinka lagu heshiiyay ee bixiyaha daryeelka caafimaadka. U hogaansamid la'aanta daawooyinka dhiig karka  waxay saameysaa 10%-80% bukaanada dhiig karka qaba waana mid ka mid ah

darawalada ugu muhiimsan ee xakamayn la’aanta dhiik karka. U hogaansamida liidata ee daaweynta dhiig karka waxay isku xiran yihiin baaxadda saraynta CD waana tilmaame muujinaya saadaasha liidata ee bukaanka dhiig karka qaba. Waxyaabaha keena hogaansamid la'aanta daaweynta dhiig karka waa badan yihiin waxaa kamid ah:

Sababa la xiriira nidaamka darryeelka caafimaadka, daawooyinka laftigooda, cudurka, bukaanka iyo heerkiisa dhaqan-dhaqaale iyo bukaanka wacyigiisa iyo akhri-qoritiisa caafimaadka (health literacy)

 

Talo soo jeedin: U hoggaansamidda Daawenyta dhiig karka

• Qiimee u hoggaansamidda daaweynta Dhiig karka sida ugu habboon booqasha kasta iyo ka hor inta aan la badin daaweynta dhiig karka.

• Tixgeli xeeladaha soo socda si loo hagaajiyo u hoggaansamidda daawada:

 a. Yaree tirada daawooyinka- isticmaal hal kiniini oo 2-3 daawo ku jiraan

 b. Qaadasho hal mar daawo maalintii, intii daawo marar badan la qaadanayo maalintii

 c. Isku aadin dabeecadda u hoggaansamida iyo caadooyinka maalinlaha ah ee qofka

 d. bixinta jawaab celinta u hogaansanaanta bukaanka

 e. Cabirka iyo kormeerka CD guriga

          f. xusuusinta baakadaha dawooyinka

          g. talosiinta ku saleysan awood-siinta ee is-maareynta

          h. qalabka raacitaanka elektarooniga ah sida taleefannada gacanta ama adeegyada   farriimaha gaagaaban

i. habka kooxda daryeelka caafimaadka ee kaladuwan (sida, farmashiistayaasha) si loo wanaajiyo kormeerka u hoggaansamidda

•  Ujeeddada aan tooska ahayn (sida, dib-u-eegista diiwaanka farmashiyaha, tirinta kiniinka, aaladaha kormeerka elektiroonigga ah) iyo tooska (tusaale, qaadashada daawooyinka markhaatiga ah, ogaanshaha bayoolaji ee daawooyinka ku jira kaadida ama dhiigga) ayaa guud ahaan laga door bidaa hababka shakhsiga ah ee lagu ogaanayo u-hoggaansamidda la'aanta daaweynta dhiig-karka.

Hababka ugu wax ku oolka badan ee maaraynta u hoggaansamid la'aanta waxay u baahan yihiin waxqabadyo isku dhafan oo la-talin, is-kormeer, xoojin iyo kormeer.

Gunaanad:
Ogow in uu caafimadku uu yahay tiirka noloshaada, si aad uga hortagtid cudurkasta, waa in aad xasuusnaataa ka hortaga ayaa ka fiican daawaynta, iska ilaali wax kasta oo kuu nuglaynayacudurada, hadaad qabtid dhiigkar la dhaqan oo la saxiib , dawadana ha joojin , mar walba oo aad isku aragto in uu xanuun kugu soo kordhayo la xidhiidh dhakhtarkaaga ama goob cafimaad.

La Soco qoraalo dambe oo imaan doona oo ku saabsan Dhiig karka.

Ahmed Dalmar, MD, MS, CPI

Sr. Research Scientist

Leave your comment