Antibiyootigu waa Maxay?
Antibiyootigu waa kiimikooyin dila ama joojiya koritaanka bakteriyada. waxaana loo isticmaalaa in lagu daaweeyo caabuqyada bakteriyada. Waxaa laga soo saaraa dabeecadda (bakteriyada ciidda iyo fungi), waxaana loo kala saaraa kuwa dila keliya dhowr nooc sida Penecillin G oo la yiraahdo “Narrow spectrum”, iyo kuwo wax ku ool ah oo nocyo kal duwan lagu daaweeyo oo la yiraahdo “Broad spectrum”.
Taariikh: Antibyiootiga ama wax u dhigma waa jireen ilaa quruumihii hore sida Masaaridii. Laakiin 1928dii ayaa la soo saaray penicillin, Antibiyootigii ugu horreeyay oo run ah, waxaana soo saaray Alexander Fleming, Isbitaalka St. Mary ee London.
Sannadkii 1930-kii: waxaa la bilaabay ka ganacsiga Prontosil, daawa disha bakteriyada.
1945: Penicillin suuqaa si ballaaran loo soo galiyey si loogu daaweeyo caabuqyada bakteriyada.
1940 - 1962: waxaa loo aqoonsaday "xilligii dahabiga" ee Antibiyootiga. Inta badan noocyada Antibiyootiga ee aan maanta isticmaalno dawo ahaan waagaasaa suuqa la soo galiyay. 1980kii- waxay ahayd markii ugu dambaysay oo la soo saaro Antibiyootig cusub;
Sidee bay Antibiyootigu u shaqeeysaa?
Antibiyootiga ayaa ka faa'iidaysta farqiga u dhexeeya qaab dhismeedka unugga bakteriyada iyo unugyada martida loo yahay oo u diidaya unugga bakteriyada inay tarmaan si tirada bakteriyadu ay u ahaato teedii hore, taas oo u oggolaanaysa habka difaaca naflaha martida loo yahay inuu la dagaallamo oo dilo bakteriyada.
Sidee bakteriyadu ugu adkaystaan Antibiyootiga?
Qaadashada antibiyootigu waxay sababaysaa laba mid: in bakteriyadu la qabsado oo la noolaado oogada ama inuu dhinto; Tan waxaa loo yaqaan 'cadaadiska xulashada-selection pressure'. Bakteriyada waxaa loogu yeeraa kuwa daawooyinka u adkaysta ama iska caabbiya, marka antibiyootig waagii hore lagu daaweyn jirey cudur, uu hadda waxba ka tari waayo isla cudurkii. http://www.euro.who.int/en/health-topics/disease-prevention/antimicrobial-resistance/education,-awareness-and-behaviour-change/infographics/infographic-causes-of-antibiotic-resistance
Halkaan riix si aad u akhrisatid sababaha keena iska caabbinta bakteriyada ee antibiyootiga.
Sidee iska caabintu u faaftaa?
Iska caabbinta Antibiyootiga labay mid noqon kartaa:
Iska caabin dabiici ah: Bakteriyada qaar ayaa si dabiici ah ugu adkeysta Antibiyootiga qaarkood sababo la xiriira dabeecadahooda jireed.
Iska caabbinta la helay (la kasbaday): waxay dhacdaa marka bakteriyada asal ahaan u nugul Antibiyootiga ay yeelato iska caabin. Tusaale ahaan hiddo-wadaha iska caabbinta waxaa laga wareejin karaa hal plasmid (small extrachromosomal DNA) oo loo wareejin karaa plasmid kale ama koromosoomyada, ama iska caabintu waxay dhici kartaa sababtoo ah isbeddelka koromosoomyada ee iskiis ah (mutation). Marka unugga bakteriyada leh iska caabbinta la helay ay bataan, caabbinta waxay u gudubinayaan faracooda.
Cawaaqibta iska caabbinta
Antibiyootigu waa hormuudka daawadooyinka marka la rabo in la daaweyo noocyo badan oo caabuq ah. Antibiyootigu waxay ka hortagaan malaayiin dhimasho ah sannad kasta waxayna ahaanayaan daawaynta aasaasiga ah ee caabuqyada bakteriyada halista ah. Antibiyootiga ayaa si aad ah u hagaajiyay daawada casriga ah waxayna kordhiyeen celceliska nolosha bini'aadamka 23 sano.
Iska caabbinta bacteriyada ee Antibiotiga waxaa keena heerarka daawoyinka ee aan habboonayn iyo isticmaalka xad-dhaafka ah ee Antibiyootiga; waxayna hoggaaminaysaa faafitaanka bacteriyada khatarta ah oo awooda in uu iska caabbiyo antibiyootiga una adkaysto.
Taasi dibay u celineysaa horumarkii laga gaaray la dagaallanka bakteriyada, waxayna abuurtay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo caalami ah oo disha ugu yaraan 700,000 oo qof sannadkii. Haddii aan tallaabo la qaadinna, waxaa la saadaalinayaa inay gaarto 10 milyan oo dhimasho sannadka 2050 taasoo ka dhigaysa mid ka dhimasho badan ama la mid ah kansarka; waxaa kaloo laga baqayaa in ay isu rogto cudur safmar ah (pandemic) sida Covid-19ka.
Fiiro Gaar ah:
Bacteriyada badanaaba u yeesha adkaysiga Antibiyootiga waxaa ka mid ah:
Methicillin-resistant Staphylococcus aureus (MRSA) oo u adkaysta Antibiyootigyo badan sida (penicillin, erythromycin) oo dhibato weyn lagula kulmo daaweyntiisa. Waxaa soo raaca Mycobacterium tuberculosis oo keena TBda iyo Neisseria gonorrhoeae bacterium oo jabtada keena.
Inkastoo anaan hayn xaaladda dhabta ah ee Somalia, haddaan tixgaliyo baahsanaanta labada cudur oo dambe waxaan u malaynayaa in dad badan oo labadaas cudur ka biskoon waayey ay sabab u tahay bakteriyada oo adkaysi u yeeshay Antibiyootigii lagu daaweeyey, sababtoo ah waxaa dhici karta in la siinayey bukaannada daawo aan ku haboonayn (nooc qaldan, qiyaas qaldan, ama dhererka waqtiga daawaynta oo qaldan) taasoo keentay in Antibiyootigu kobciyo bakteriyada intii uu dili lahaa. Sidaan kor ku xusay, bakteriyadaas adkaysiga u yeeshay antibiyootiga, marka loo gudbiyo qof kale sidii oo kale ayaan Antibiyootigu wax u tarayn, qofkaas cusubna ka qayb qaadanayaa faaafinta bacteriyadaas adkaysiga leh; aakhirkana waxaa sii kordhaya tirada dadka cuduradaas qabaa oo ayaguna markooda sii gudbinaya.
Xagee wax iska qabsan la’yihiin, Ibtiladu maxay tahay?
Dhakhaatiirtu waxay qoraan Antibiyootig aad u badan. Maxay dhakhaatiirtu u qoraan Antibiyootiga aan loo baahnayn?
Sababo badan! Khubaradu waxay aaminsan yihiin inay jiraan arrimo badan oo u horseedaya dhakhaatiirta inay qoraan Antibiyootiga aan loo baahnayn oo ay ku jiraan dhakhaatiirta:
Isticmaalka xad dhaafka ah ee Antibiyootiga waa arin caalami ah.
Isticmaalka xad dhaafka ah ee Antibiyootiga waa walaac caalami ah. Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa soo saaray tilmaamo bixinaya talo ku saabsan "Antibiyootiga loo isticmaalo caabuqyada caadiga ah iyo kuwa lagu ilaalinayo xaaladaha ugu daran."
Hadafka tilmaamahan cusub waa "in la hubiyo in Antibiyootiga la heli karo marka loo baahdo, iyo in Antibiyootiga saxda ah loo qoro caabuqyada saxda ah."
Maxaa kordhiya khatarta ah in qofku qaado bakteriyada Antibiyootig u adkaysta?
Maxaa talo ah:
Shirkadaha Daawooyinku ma xallinkaraan dhibaatadaan? Maya!
Antibiyootiga cusub ayaa wax ka qaban kara kor u kaca u adkeysiga Antibiyootiga, laakiin shirkadaha dawooyinka ayaa ka caga jiidaya inay sidaas sameeyaan oo antibiyootig cusub so saaraan. Dhab ahaan, markii ugu dambeysay ee dufcad cusub ee Antibiyootig ah la soo saaray waxay ahayd dabayaaqadii 1980-yadii.
Waa maxay sababtu?
Soo saaridda iyo suuq geynta antibiyootiga cusub inta badan faa'iido uma laha shirkadaha daawooyinka. Tusaale ahaan, 2017, khubaradu waxay ku qiyaaseen inay ku kici karto ku dhawaad $1.5 bilyan si loo sameeyo Antibiyootig cusub. Dakhliga ka imaan karana qiyaastii wuxuu ahaanayaa $46 milyan sannadkii. Tani waxay ka dhigaysaa wax aan suurtagal ahayn in dakhligu daboolo kharashaadka. Si fudud haddii loo dhigo, xisaabtu macno ma samaynayso (ma isbixinayso ayaa laga wadaa).
Maxaad qaban kartaa bukaan ahaan?
Raac talooyinkan si aad u yarayso khatartaada dhibaatooyinka la xidhiidha Antibiyootiga iyo si aad u yarayso caabbinta Antibiyootiga caalamiga ah:
Ugu horreyntii, waxaad qaadi kartaa tillaabooyin aad ku yareyn karto halista caabuqyada, si aadan ugu baahan antibiyootik. Sida laga soo xigtay CDC (Xarunta loogu talagay Xakamaynta Cudurka, USA) waxaad ka hortagi kartaa caabuqyada u adkeysan kara daawada:
kasta oo hubi inaad qaadato dhammaan daawooyinka
xanaanada caafimaadkaaga aanu amrin Antibiyootiga si loo daweeyo adiga iyo ilmahaaga. Antibiyootiga inta badan looma baahna si loo daweeyo hargab, Ifilo, caabuq dhegaha, iyo cudur kastoo VIRUS keenay.
Gabagabo:
Maqaalkaan waxaan ugu tala galay in aan ku baraarujiyo Soomaalida in ay arkaan baaxadda dhibaatadaan “iska caabinta iyo adkaysiga bacteriyadu u leeyahay Antbiyotiga” iyo nasiib darro qaybta libaax oo aan ka qaadano dal ahaan faafinta Antibiyootiga iska caabbiya oo u adkaysta Antibiyootiga sababa jira awgood:
Waxa laqaban karo takhtarro iyo dadweynaba kor bay ku qoran yihiin waxaan ku dari lahaa:
Dr. Ahmed almar, MD, MS, PCI
Leave your comment