Khatarta Pharmashiyeyaasha Soomaaliya

Khatarta Pharmashiyeyaasha Soomaaliya

Health Education Litercy 2021-01-25 6

Hordhac

 Pharmacy waa cilmiga caafimaadka ee isku xira cilmiga caafimaadka iyo kiimikada, wuxuuna u xilsaaran yahay sahanka, oogaanshaha, soo-saarka, qaybinta, iyo fogaynta (wixii waqtigoodu dhaco ama xumaada). Wuxuu kaloo hubiyaa  ammaanka iyo waxtarka (safety and efficacy) daawooyinka iyo xagkamaynta dawooyinka iyo daawooyinka qabatinka leh.

Farmashiste waa xirfadle shahaada u haysta in uu daawooyinka sameeyo, qaybiyo; waagii hore wuxuu lahaan jirey magac kale (Apothecary).

 

Taarriikhda Farmashiyaha

Cilmiga frmashiyaha waa soo jiray ilaa quruumihii hore (Masaaridii, griigii, Asia), laakiin farmashiyihii ugu horreeyey waxaa laga furay Baqdaad 754 AD (miilaadiyada), hal qarni kadibna waxay hoosyimaadeen dowladdii (Cabbaasiyiintii) oo waxay u baahanaayeen ruqsad (shati) si farmashiye loo furto.

Qarnigii 11aad ilaa 15aad waxaa horumar fiican laga sameeyey Europe oo pharmashiyeyaal badan laga furay, buugag bandanna oo ku saabsan daawooyinkan waa laga qoray.

Horumarkii ugu badnaa ee laga gaaray samayska daawooyinka wuxuu yimid qarnigii 19aad kaddib markii horumar laga sameeyey Sancada daawooyinka iyo dadaalkii badnaa oo uu galiyey William J Procter (1817-1874), Baltimore (USA) oo markii dambe loo aqoonsaday  Aabihii pharmacyga. Mr. Procter wuxuu asaasay American Pharmacists Association wuxuuna wax ka qoray  United States Pharmacopeia. Labadaas arrimood oo qeexaya qiyaasta daawooyinka, farmashieyaasha cidda furan karta, cidda ka shaqayn karta iyo shuruudaha laga rabo inay buuxiyaan.

  Shaqaalaha Pharmshiyayaasha

 Pharmshiyayaasha waxaa ka shaqeeya pharmacist (Farmashiste) iyo pharmacy technician.  

Yaa pharmashiste noqon kara oo shati la siin karaa?

a) Qof 18 sano jir ah ama ka weyn.    b) Qof haysta shahaadada B.S. in Pharmacy ama  Pharma Doctorate degree  kana qalinjabiyey Jaamacad leh pharmacy program.

  1. Inuu gudbay imtixaanka shati qaadaadashada Farmashiistaha kuna gudbay ugu yaraan 75%.
  2. Inuu qaaty 1500 saacadoood oo practice ah oo uu ka shaqaynayey pharmacy si uu khibrad u kororsado.

Waa Kuma Pharmacy technician

Qof dugsiga sare dhammeeyey  kaddibna certificate ka qaatay Pharmacy technician school program oo 1-2 sano ah.  Hawlaha loo igmanayo, ayadoo pharmashistuhu korjoogayo, waa inuu daawooyinka siiyo bukaanka, wuxuu kaloo isu aruurinayaa dawooyinka. Howshiisa ugu weyni waa inuu bixiyo daawooyinka rejetadada (prescription) ku qoran iyo kuwa aan u baahnaynba. Waxa kaloo uu pharmashiistaha ka caawiyaa howl-maalmeedkiisa.

 

 

Waa Sidee Xaalka Pharmashiyeyaasha  Soomaaliya?

Waqtigii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa jirtay wakaalad (ASPIMA) dawooyinka keenta dalka oo ay ka shaqaynayeen pharmashiistayaal. wakaaladdasi waxay u xilsaarnayd in ay la socoto daawada dalka soo galaysa oo waxy hubin jirtey tayadeeda iyo ammaankeeda. Waxay daawada siin jirtay isbitaalada, gobolada, degmooyinka iyo pharmashiyeyaasha gaarka loo leeyahay.

Pharmashieyaasha gaarka loo lahaa waa yaraayeen, nidaamna waa ku socdeen oo shatiga sahal laguma heli Karin oo wasaaradda caafimaadka keliya ayaa bixin jirtay, waxaana shardi ahayd in pharmashiiste ka shaqaynayo (maamulayo), laakiin markii damboo musuqmmsiqii batay oo nidaamkii burburay, tiradii pharmashiyeyaashu waa bateen, shatigii wuxuu noqday iib oo qof waliba wuxuu ku dadaali jirey in uu helo shati si uu ama Pharmacy u furto ama shatiga uu u sii iibiyo. Waxaa kaloo hoos u dhacay kormeerkii iyo hubintii daawooyinka dalka soo galayeey; waxaa la dabciyey shuruudihii shatiga.

Burburkii dawladdii Somalia wuxuu keenay intaas dhaliila ah oo kor ku xusan in ay laba jibaarmaan: ;

  • Haddii shati pharmacy hal meel laga qaadan jirey, hadda waa laga kaaftoomay, oo qof waliba markuu rabo iyo meeshuu rabo ayuu ka furan karaa pharmacy oo ka ganacsan karaa daawo kasta.
  •  Wax shuruuda ah (shati, xirfadle pharmacist ama xitaa technician) oo lagu xirayaa ma jiraan; shalay qofkii magaalada soo galay manta waa furan karaa pharmacy.
  • Daawooyinka waxaa laga keenaa , meel kasta oo adduunka ah, haba u bateen Malaysia, China,Turkey, India iyo Pakistaan. Waxaa igu maqaala ah in gancsatadu ay saamayn ku leeyihiin (dalalka qaarkood) waxa lagu qorayo daawada korkeeda (waxtarkeeda, waqtiga ay dhacayso) oo sida ay u rabaan loo yeelo markay dibedda ka keenayaan.
  • Mar haddii ay Meesha ka baxday wakaaladdii (ASPIMA) oo u xilsaarnayd  hubinta tayda iyo ammaanka dawooyinka, waxaa dalka soo gala daawooyin dhacay, kuwa sun ah iyo kuwa aan la aqoon waxay taraan.
  • Daawooyinka waxaa lagu gadaa bakhaarrada, dukaamada, Cooshashka iyo takhaatiirta ciyaadooyinkooda, lamana  ilaaliyo nidaamka keydinta (storage, refrigeration) daawooyinka.

 

Maxay khatar u yihiin farmashiyeyaasha  Somalia)?

Waxay khatar u yihiin: qofka gadaya oo aan aqoon u lahayn sida daawadu u shaqyso, oogada intay ku jirayso, inta jeer oo la qaadanyo iyo cudurka ay wax k tari karto; waxaa kaloo dhici kara in qofkaasi uusan lahayn akhris-qoraal (literacy) ku filan. Arrimahaasi waxy sababayaan in bukaanka:

    1. daawadu waxtari weydo   b*daawo aan cudurkiisa loogu tala galin la siiyo
    1. In u daawada ku sumoobo            d) Daawada sida loo qaadanayo oo aan caddayn, taasoo keenaysa in daawadu cudurkii wax ka tari weydo;
    2. Antibioticska oo lagadan karo ricetto (prescription) takhtar la’aanteed marka qofku dareemo, dhuun hxanuun, qufac yar, taasoo keenaysa in bacteriada iyo germisku adkaysi u yeeshaan antibiotika  oo  marka damboo la siiyo bukaanka ay wax tari waayaan, ilayn wuxuu samaysanayaa difaac jirkiisa ah oo ka hortaga daawada. Arrintaasi addunkoo dhan bay haysataa,  waxayna dhibaato u keeneysaa  caafimaadka bulshada; waxaana sabab u ah farmiyeyaasha oo aan dhowrin sharciyda daawo siinta.

 

*Daawo aan bukaanka cudurkiisa loogu tala galin haddii la siiyo waxay u keenaysaa bukaanka dhibaato aan laga soo waaqsan Karin;Tusaale cad waa kan. Riix clip kaan oo dhagayso:

https://m.facebook.com/nomadicplatform/videos/590994931756147/?refsrc=https%3A%2F%2Fm.facebook.com%refsrc=https%3A%2F%2Fm.facebook.com%2F100000623912309%2Fposts%2F3827382010625892%2F&_rdr

Wuxuu ku tusaya dhibaatooyinka dhici kara.

Daawada madax xanuunka loo siiyey bukaanka waa Immuno-suppressant. Laguma daaweeyo madax xanuunka waxaana la siiyaa:

  • Qofka marka xubin qof kale laga soo qaaday lagu beero sida kelli ama beer,  oo la rabo oogadu ineeyan diidin xubintaas (reject) oo waxaa la dhimaya (hoos loo dhigayaa) difaaca jirkiisa.
  • Waxaa kaloo la siiyaa qofka  qaba cudurada loo yaqaan  auto-immune diseases, oo dhaca marka oogadu isla ayadii is garan weydo oo u qaadato qaar oogadeeda ka mid ah  in ay cadow kusoo duulay yihiin, difaac adagna gasho oo ayada laftigeedu isburburiso. Taasi waxay keenaysaa is diffaca jirka oo hoos u dhaca.
  • Labada jeerba waxaa hoos u dhacaya difaaca jirka oo qofku wuxuu halis u noqonayaa in si sahal ah u qaado infections sida (TBC, pulmonitis iyo kuwa kale).

 

 

Maxaa xalku yahay?

Xallinta arrintaan waxay u taal Soomaali oo dhan (dawlad, takhaatiir, pharmashistayaal, bulshada pharmiyeyaashu ka furan yihiin, Culimo, maxkamado) oo mid  waliba kaalintiisa ka qaadanayo; sidaas oo ay tahay, kaliinta ugu weyni waxay sugaysaa Dawladda (federal iyo stateba) iyo bulshooyinka pharmiyeyaashu ka furan yihiin ayagoo la kaashanaya qaybaha kaloo kor ku xusan.

Kaalinta dawladdu waa udub dhexaadka xalka. Ayadoo awood u leh in ay samayso:

  • Wakaalad u xilsaaraan hubintaa ammaanka, waxtarka, meesha laga keenay daawada iyo waraaqaha la socda daawada (package insert); waxay kaloo go’aaminaysaa sida loo qaybinayo; ma Wakaaladdaa qaybinaysa, mise shirkadaa keneya , hay’dduna waa hubinaysaa oo korjoogeysaa.
  • Xafiisyo nidaamiya shatiyada, shahaadooyinka xirfadlayda caafimaadka (farmashiste, Takhtar, kalkaalye caafimaad, Kalkaaliy farmashiste) aydoo aad loo hubinayo shahaadooyinka meesha laga soo qaatay iyo transcriptskooda. Arrintaani aad bay muhim u tahay, madaama kulliyadihii caadimaadku, dugsiyadii kalkaaliyeyaashu iyo pharmashiyeyaashiiba aay buux dhaafiyeen dalka.
    • Waxaan ku talin lahaa in muddada gaaban la tiro kobo pharmiyeyaasha iyo shaqaalahooda, lana hubiyo in shaqaaluhu ugu yaraan leeyihiin heer akhris -qoraal ku filan oo sahli kara in wax labaro;
  •  In la joojiyo furidda farmashiyeyaal cusub (moratorium) inta lakala saarayo kuwa furan, nidaam cusubna la hirgalinayo.
  • In daawooyinka loo kala saaro kuwa u baahan waraaq takhtar (prescription, ricetta medica) iyo kuwa aan u baahnayn; kuwaan dambe waa in ay caddahay waxa loo qaato ayna daawada ku qorantahay, qofka gadanayaana fahmi karo.
  • Antibioticska gadidooda oo la adkeeyo lana xakameeyo, haddday suurtowdana in pharmashiyeyal cayiman kaliya oo farmashiste iyo Takhtar ka ag dowyihiin, kormeer joogta ahna lagu samayn karo in lagu gado.

 

Takhaatiirta iyo Farmashiistayasha ayaa qayb-weyn ka qaadan kara arrimahaan, dawladduna waxay fulinaysaa go’aannadooda. Taasi waxay ku xiran tahay  Xirfadleyda caafimaadka oo isku duuban oo dallad (uru) isugu yimaada oo wax wada qabsada.

Kaalinta Bulshada farmashiyuhu ka furan yihiin waa dadka dhibta ugu weyni soo gaarayso. Mar haddii Soomaalidii kala ergowday oo qola waliba degaankeedi ku noqotay,  dhibtaas waxaa isu geysanayaa waa isla ehelkii, qaraabadii, tolkii weliba jifidii hoose, nasiib darro uma muuqato arrintaaasii oo waxaa leys weydiinayaa dilka ay isu geysanayaan dhexdooda ma ka duwan yahay dilka dad kale u geystaan? waxay ilowsan yihiin in dilku isku mid yahay dhinac kasta ha ka yimaadee oo agoon, rajo, baroor iyo asaay waxaan ahayn laga dhaxlayn.  Sidaasaa bulshada kaalinteedu u weyntahay oo ayna tahay in dadka laga dhaadhiciyo in eeyan dhexdooda is layn oo eyan isa sumayn , daawo iyo cunto dhacdayna iska gadin hadday iska naxayaan oo tol iyo qaraabo isu yihiin. Ogoow marka qof idinka ahi kama’a ugu dhintu gacan qof qabiil kale ah, waa idinka adduunkoo dhan roga, maxaa idin hela markaad dhediina is ba’abisaan ?

Culimada iyo oday-dhaqmmedyadu ayaa ku dhex jira bulshada, hadday is kaashadaan kaalin mugweyn bey ka qaadan karaan xallinta arrintaan.

Ugu dambayn waxaan soo jeedinayaa in olole wacyiggelin ah la qaado oo ay ka qayb qaadanayaan dhammaan intii  xil iska saraysa  bulshada caafimaadkeeda. Wacyiggelintu waxay keenaysaa in dadku is weydiiyaan qofka ay daawada u doonanayaan asagu maku dhaamaa ayaga. Xusuuso maahmaahdii ahayd; Ninkaad kaba ka tolanaysid, kabihiisaa la fiirshaa.

Ahmed Dalmar, MD, MS, CPI

Leave your comment