Maxaan Hubsiino ugu bixiyay website kaan?

Maxaan Hubsiino ugu bixiyay website kaan?

Uncategorized 2020-12-23 2

Hubsiino oo micnaheedu yahay wax Xaqiijin ama wax hubsasho, waa arrin aad loogu qiimeeyo dhaqanka soomaalida; waxaana lagu xusay dhowr maahmaahood sida “Hubsiino hal baa la siistaataas oo macnaheedu yahay: Inaad wax si hubaal ah u ogaato, qofku wuxuu xitaa siisan karaa hal geel (xoolaha ugu qaalisan xoolaha soomaalida). Maahmaah kale "Ma hubsade Hanfade noqoy"waxay sheegaysaa in kuwa aan wax hubsan ay halis u yihiin  inay noqdaan xoogsheegato.

Somalida, oo leh af hodan ku ah gabay, geeraar, sheekooyin iyo maah maahyo, waxy ku xiriiri jireen afku hadal kaliya; heerka akhris-qoristuna aad bay u hooseeysay; laakiin Qoristii af soomaliga ee alifbeetada Laatiinka 1972dii, iyo oloihii horumarinta reer miyiga ee ka dambeeyey, waxay sare u qaadeen heerkii akhris-qorista dalka, Soomaalida badankoodna  waxay awood u heleen in ay qoralna ku xiriiraan. Markii  dowladii dhexe ee Soomaliya burburtay, Soomaali badani waxay u qaxeen dalalka reer galbeedka, halkaas oo isticmaalka internetku heer sare marayey, Soomalida oo fahmad badanna ay durbadiiba la qabsadeen.

Heerka akhris-qorista Soomaalida iyo isticmaalka internetka oo sahal lagu heli karo dibed iyo gudaba, waxy keeneen  in si ilbriqsi ah laysu gaarsiiyo wixii war ah oo la rabo (mid fiican iyo mid xunba).Sida oraahdaani sheegayso “maaha qof xun qofkii birta hindisay, laakiin waxaa xun qofkii birta meeshii uu yambo ka samayn lahaa, seef ka sameeyey”, wax run iyo beenba ah  waa lagu faafiyaa. Waxaan ku daddaalaynaa in dadweynaha aan u soo gudbino keliya waxaan hubno in ay run iyo saxna yihiin, ay waxtarna u leeyihiin dadka. Waxaan aad ula dagaalami doonaa xogaha khaldan annagoo war isgaarsiin cad isticmaalayna siiba marka laga hadlayo daryeelka caafimaadka.  Sidaasaan magaca hubsiino ugu bixinay barnaamijkaan (website kaan).

Inkastoo horukac laga sameeyey dhanka Heerka akhris-qorista af Soommaliga, dadka badan oo dibeddaha u qaxayna afafka dalalkaas lagaga hadlo barteen, haddana waxaad moodaa in weli Solmalida qaxootiga ah iyo dadka laga tiro bdanyahyba ee dalalkaas (minority), eeyaan weli gaarin heer ay ku fahmi karaan macluumadka caafimaadka asaasiga ah iyo aadeegyada ay u baahan yihiin si ay u gaaraan go’aan caafimad oo ku habboon (informed decision).

Axmed Dalmar, MD, MS, CPI

Leave your comment