Nin Buka boqol U Tali

Health Education Litercy 2021-01-08 4

Gumeysiga ka hor, Somaalidu waxay ahaayeen qabaail xoolo dhaqata ah. Intii isku qabiil ahiba waxay degganaayen dhul u  gaar ah; waxay ahaayeen wax-wadaag, waxaa ka dhexeeyeey daaqa,  biyaha, xoolaha (geela), magaca iyo sharfta. Bulshadaasi waxay ahayd bulsho siman (egalitarian society) oo malahayn kala sarayn (haddii laga reebo da’da iyo kartida qofka). Waxay wada difaacan jireen, dhulka, geela iyo sharafta, waxay tirsanjireen oo ilaashan jireen gabyaagooda, halyeygooda i.w.l); waxay u wada gurman jireen qofka buka oo qof waliba waa ka qayb qaadan jirey daryeelka bukaanka. Madaama aqoonta cudurada iyo daaweyntooduba eeyan soo gaarin reer miyiga, waxa kaliya oo ay qaban karen waxay ahaayeen kabka qofka jaban loo kabo iyo talo bixin.  Taalooyinkaas oo aan cilmi ku dhisnayn sida (meesha bugta oo la gubo, Subag la cabsiiyo qofka, dhir aan la hubin wax kujira oo la siiyo) oo marar badan iska horimaanaya, badanaana aan  bukaanku wax ka dheefi jirin waxay keeneen in oraahdaan “Nin Buka boqol U Tali” ay baxdo taasoo ku tusaysa in oraahdu ay ka turjumayso ciirsi la’aanta haysay bukaankaas.

Markay magalooyinkii abuurmeen, dad badan baa u soo guuray oo inkastoo ay bilaabeen in ay magaalada la qabsadaan, haddana weli waa haysteen dhaayqankoodii miyiga; Gumaysigu, asagu wuxuu ka degi jirey magaalooyinkaas meel ka durugsan Soomaaalida, waxay ka ahayd in ay ka foogaadaan cuduradooda oo eeyan ka qaadin, waxayna la imaanjireen shaqaalahooda caafimaad;  Soomaalidana waxay u tababari jireen kalkaaliyyaal. Labadaas arrimood waxay sahleen in adeeg caafimaad loo fidiyo Soomaalida haba liitee. Nasiib darro adeegaasi ma baajin oraahdii ahayd “nin buka boqol u tali” oo sidiibaa talooyinkii loo bixinayey ayadoo la iska indh-tirayo waxa loo qaban karo; dabcan, dadkoo dhami arrintaas ma qabin oo qaar waa ka faaiidaysn jireen.

Inkastoo magaalooyinkii fideen, magaalooyin cusubna abuurmeen, waxbarashadii badatay, shaqaale caafimaad (shisheeye iyo Soomaaliba) soo bateen, adeegii caafimaadkuna sara u kacay,  haddana saamayntii oraahdu weli ma harin, oo weli dadbaa ku dhaganaa inkastoo ay aad u sii yaraanaysey.

Sidoo kale, markii dowladii dhexe ee Soomaliya burburtay, Soomaali badanina ay u qaxeen dalalka reer galbeedka, halkaas oo daryeelka caafimmadku aad u sareeyo helitaankiisuna saahlanyahay, dadka badankiis waa ka faiideysteen oo ku liibaaneen. laakiin weli dad baa aad ugu dhagan oraahdii aan soo sheegnay, oo xitaa waxaa dhacda in qof ICU (Qaybta Daryeelka Xoogga leh) jifa in ay isku dayaan in ay takhaatiirta u gacan dhaafaan oo talo ka dhiibtaan daryeelka qofkaas. Waa nasib darro, in dadka la seejiyo fursadahaas (daryeel caafimaad) qaaliga ah oo ay heystaan intooda  reer galbeedka soo gashay, fursadahaas oo dad badan oo dunida saddexaad ahi eeyan haysan. 

Waa run in boqol talintu ay ahayd waxa keliya oo loo qaban karay bukaankii ciirsi la’aantu haysey markii miyiga  la joogay, laakiin hadda waxaa la gaaray waqtigii laga gudbi lahaa boqolkaas talo. Ma sahlana sida looga gudbayo oo waa tan oraahduba sheegayso “ waa adagtahay si Caadooyinku u dhintaan. Waaxaan aaminsannahay in juhdi badan la galiyo, oo laga wada shaqeeyo sidii lo wacyigelin lahaa bulshada ayadoo qof waliba ka bilaabayo xigtadiisa iyo asxaabtiisa una gudbiyo bulsha weynta si oraahda kor ku xusan loogu badalo “Qoka buka takhtar Ha U Taliyo”.

Boggaani wuxuu ku dadaalidoona in uu qayb weyn ka qaato wacigelinta dadweynaha, waana soo dhaweyneynaa qofkii ka qaybqaadanaya, oo haya talooyin ku saabsan arrintaas oo waafaqsan xaqiiqada jirta.

 

Waxaa qory

Dr. Ahmed Dalmar, MD, MS, CPI

Leave your comment