Kala Fogaa:  Noqo wax kastoo aad noqon kartid- Be All You Can Be iyo Sheego wax kastoo aad sheegan kartid- Claim Whatever You Can Claim

Kala Fogaa: Noqo wax kastoo aad noqon kartid- Be All You Can Be iyo Sheego wax kastoo aad sheegan kartid- Claim Whatever You Can Claim

Wacyeggelin 2022-12-18 0

Waa laba oraah oo iska soo horjeeda, muqaalna ka bixinaya labada dal oo laga isticmaalo (USA iyo Somalia). Oraahda hore waxaa laga isticmaalaa USA, wxaana loola jeedaa in qof kasta lagu dhiiri galiyo in uu gaaro meesha ugu saraysa ee kartidisa ah, uuna la kulmo xadka awoodisa; waxay kaloo ku boorinaysaa inuu qofku dabagalo oo ka dhabeeyo riyadiisa cabsi la’aan, waana tan ka dhigtay dalka adduunka ugu horeeya.

Oraahda labaad oo ah Sheegashada wax kastoo qofku sheeegan karo waa arrin ku cusub cilminafsiga bulshada. Nuxurka oraahduna waa arrin ay dhici karto in ay qof kasta soo martay oo ah marka lausugu yimaado miis casho, mafrish qaad ama meelaha shaaha lagu cabo, in qof dadka ka midihi bilaabo in uu ka hadlo mawduuc dheer isaga oo xamaasadaysan, isuna haysta in uu sax yahay inta kalana ra’yigoodu khalad yahay, isuna maleeya in uu dadka u sito marka laga hadlayo xog-ogaalnimo. Nasiib wanaag, goobjoogayaasha waxaa u caddaanaysa durbadiiba in qofkani aanu wax fikrad ah ka qabin waxa uu ka hadlayo, uusan garowsanayn jaahilnimadiisa; Taasi waxay imaanaysaa marka dadka badankiis ay waxbarteen wax ogaalna yihiin, qofkaas oo kalana uusan ku dhex dhuuman karin. Dhacdadaani aad bay ugu soo badatay Somalia burburkii 1991kii kaddib, waxayna kamid tahay waxyaabaha hortaagan in dowladnimo la gaaro, nidaam iyo kala dambayna la helo.

Dunning-Kruger Effect” ama Saamaynta Dunning-Kruger: Waxaa markii ugu horeysay dhacdadaan wax ka qoray laba caalim oo ku takhusasay Cilmi nafsiga bulshada-David Dunning iyo Justin Kruger-waxaana loo bixiyey “Dunning-Kruger Effect” ama Saamaynta Dunning-Kruger, oo ah nooc ka mid ah “Eexda Garashada” taas oo qeexaysa in dadku aaminsan yihiin inay ka caqli badan yihiin oo ay ka karti badan yihiin sida run ahaantii ay yihiin (McIntosh RD, Fowler EA, Lyu T, Della Sala S. Wise up: Clarifying the role of metacognition in the Dunning-Kruger effect. Journal of Experimental Psychology: General. 2019;148(11):1882-1897). Eraygu waxa uu magac cilmiyeed iyo sharraxaad ka bixinayaa mushkilad ay dad badani isla markiiba gartaan oo ah in nacasyadu ay ka indho la' yihiin nacasnimadooda. Sida hore loo yiri, in yar oo aqoon ahi waxay noqon kartaa shay khatar ah ama "Jahligu marar badan wuxuu keenaa kalsooni ka badan tan aqoontu keento”.

Maxaa keenay sheegashada qofku sheganayo wuxuusan ahayn? Haddaba maxaa sharraxaya saamayntan nafsaaniga ah? Dadka qaar ma yihiin kuwo aad u caqli -gaaban, si ay u gartaan in ay qafilan yihiin, ama caqli-xunyihiin? Dunning iyo Kruger waxay soo jeedinayaan in dhacdadani ay ka timid waxa ay ku tilmaameen "culays labalaaban ama laba geesood ah ." Dadku ma aha keliya in eeyan karti lahayn, ee Karti la'aantoodu waxay ka qaadaysaa oo seejinaysaa awood maskaxeedkii ay ku garan lahaayeen in eeyan qummanayn. Dadkaas aan kartida lahayni waxay u janjeeraan: In si xad dhaaf ah u buunbuuniyaan heer xirfadeedkooda. Ku guuldaraystaan inay aqoonsadaan xirfadda dhabta ah iyo khibradaha dadka kale. Ku guuldareystaan inay aqoonsadaan khaladaadkooda iyo xirfad la'aantooda.

Maxaa gaar ku ah Somalida? Maaha in Somalidu ka dwan yihiin dadyowga kale ee addunka. Waxaase jira xaalado iyo duruufo u gaar ah Soomaalida oo la xiriira qaabdhismeedka bulshada iyo dhaqn dhaqaalahaba oo sahlaya in dhacdadaani ku badato Somalida; duruufahaas wax ka qabashadoodu waxay sahlayaan yaraynta dhacdadaan. Duruufahaas waxaa ka mid ah :

  1. Dawladnimadii, nidaamkii iyo shuruucdii oo la laalay dowlad goboleed iyo Federalba
  2. Dadkii magaalooyinka joogay oo wax bartay oo xirfadlayda ahaa oo dibedda u qaxay
  3. Baadiyihii oo aad looga soo galay (bulshadaasoo ahayd bulsho siman, qabiil ku dhisan oo aan lahayn kala sarayn oo xirfad la’aanta haysay ay keentay in ay aaminaan in aan waxba lays dheerayn, dhaqankaasna waxay la yimaadeen magaalada).
  4. Waxaa lumay standarkii, qabiilkii iyo 4.5 kii baa noqday standard. Waxaaba la ilaaway istaahilidii (meritocracy), tartankii, imtixaanna iskaba daa.
  5. Waxaa caado noqotay in qof walba wuxuu doono sheegto, mediaduna gacan ku siiso oo weliba sii dalacsiiso oo maqaamyo eeyan la hayn siiyaan intii ay hubin lahaayeen sheegashadoda, dadkana ay wax bari lahaayeen.
  6. Dadka Somalia oo lagu qiyaasay 16,359,504 (The UN estimates the July 1, 2021) 70% waa <=30 jir waana ka badanayaan haddi lagu daro inta caruurta hayd markii burbuku dhacy. Caruurtaasi bay’adaasay ku koreen oo ku barbaareen oo habkaas aaminayaan.
  7. Xirfadleyda oo aan lagu khasbi Karin in ay ruqsad qaataan, taasoo keenaysa in qof kasta wuxuu rabo sheegan karo, mehereduu rabana furan karo, tan ugu darnina ay tahay ruqsadaha caafimaadka (clinic, pharmacy, lab)

Yuu ku dhacaa Saamaynta Dunning-Kruger?

Nasiib darro, qof kasta waa ku dhici kartaa. Sababta oo ah si kasta oo aan xog-ogaal iyo khibrad u leenahay, qof kastaa waxa uu leeyahay meelo aanu xog-ogaal u ahayn oo aanu karti u lahayn. Waxaa laga yaabaa inaad caqli iyo xirfad ku leedahay meelo badan, laakiin qofna wax walba khabiir kuma aha.

Digniin:Saamaynta Dunning-Kruger lama mid aha IQ hooseeysa. Marka wacyigelinta ereyga ay kororto, isticmaalkeeda khaldan ee la micno ah "nacasnimo" ayaa sidoo kale kordhaysa.

 

Maxaa yareyn kara dhacdadan? In kasta oo aan dhammaanteen u nugulnahay in aan la kulanno saamaynta Dunning-Kruger, Haddana barashada sida maskaxdu u shaqeyso iyo garowshaha khaladaadka aan dhammaanteen u nugulnahay in aan galno, waxay noqonayaan hal tallaabo oo lagu saxayo dhacdadaas.

Haddaba maxaad samayn kartaa si aad u hesho qiimayn dhab ah oo ku saabsan awoodahaaga aad u leedahay mowduucyo gaar ah, haddii aadan hubin inaad ku kalsoonaan karto is-qiimayntaada?

1. Sii wad waxbarashada oo ku celceli (nakhtiin), mowducaad u malaynaysid inaad wax ka ogtahayna si qoto dheer u sii akhri oo u baro. Markaad aqoon dheeraad ah u yeelatid mawduuca, waxay u badan tahay inaad aqoonsato inta weli kuu dhiman inaad barato. Tani waxay la dagaalami kartaa u janjeeriddaada inaad isu malayso khabiir, xataa haddii aadan ahayn.

2. Weydii dadka kale sidaad tahay; ka codso jawaab celin iyo dhaleecayn wax dhisaysa (constructive criticism). Kwaasi waxay ku siin karaan aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan sida ay kuwa kale u arkaan.

3. Isweydii maxaad taqaan. Xitaa marka aad wax badan barato oo aad hesho jawaab celin, ha fiirin keliya waxaad u malaynayso inaad hore u ogeyd, ee sii wad in aad la tartanto waxa aad aaminsantahay iyo waxa aad ka filanayso. Raadso xog ka hortimaada fikradahaaga

 

Soomaalida side looga yaryn karaa? David Dunning and Justin Kruger dadka ay wax u sheegayaan oo la talinayaan waa ka duwan yihiin Somalida. Waa dad waxbartay, xirfado leh, oo waa arkayaan isla markiiba in qofkaan faanaya inuusan waxba ka aqoon waxa u uku faanayo, ayadoo lala yaaban yahay buuna iska tagayaa.

Dadka Soomaalida ihi badankood waa 30 jir iyo ka yar iyo soo galootiga baadiyaha ka yimid. Dadakaasi wax ra’yi ah kama qabaan mana maqal dowladnimo, sharci, kala dambayn iyo xirfado sheegaya in qof walba waxa uu ku fiicnan yahay oo looga dambeyo ay jiraan.

Waa dad ka siman heer waxbarasho iyo xirfadba, waxay sheegtaan oo isugu faanaanna maahan wax muhim ah qiima weynna kama laha bulshda dhexdeeda iskumana dhibsadaan oo qof walba wuxuu helayaa dad dhagaysta oo u riyaaqa oo ayaga laftigoodu inta qofkani sheegay, ama waxay meelkale ka maqleen la taga meel kale oo helaya dad dhagaysta. Qof kasta oo raba in uu wax sheego ama faano waa helayaa cid dhagaysata, wuxuu rabuuna (shahaado, darajo, xirfad) sheegan karaa. Madaama xirfad ay sheegtaan oo ku faanaana eeyan lahayn, badanaa waxaa laysu gudbiyaa waa war aan la hubin, war laysu soo dhiibay, been iyo khuraafaad, waana waxa loo yeero FADHI KU DIRIR. Sidaas daraadeed¸marka laga hadlayo sida looga gudbi karo Saamaynta Dunning-Kruger, ama loo yarayn karo dadka sheeganaya waxayn ahayn waa in la tixgaliyaa oo wax laga qabtaa duruufaha haysta Soomalida.

Xallinta arrintaan waxay u taal Soomaali oo dhan (dawlad, xirfadley, bahda waxbarashada) oo mid waliba kaalintiisa ka qaadanayo; sidaas oo ay tahay, kaliinta ugu weyni waxay sugaysaa Dawladda (federal iyo stateba) oo laga sugayo in ay taakulayn joogto ah siiyaan bahda waxbarashada si dadka wax loo baro oo aqoontooda sare loogu qaado, siiba loogu dadaaalo waxbarashada madaniga ah. Dawladda waxaa laga sugayaa in ay la socoto mehered kastoo la furanayo, kuna amartaa in ruqsad (shati) laa qaato; si joogta ahna ula socdaan.

Xirfadleyda ayaa ayaguna qayb-weyn ka qaadan kara arrimahaan, dawladduna waa inay fulisaa go’aannadooda. Taasi waxay ku xiran tahay xirfadleyda intii isku shaqa ihiba in ay isku duubmaan oo dallad (uruo) isugu yimaadaan oo wax wada qabsadaan; waxay markaas awood u yelanayaan in ay la socdaan qof kastoo xirfadahooda sheeganaya, ilayn waxay noqonaysaa qofkii raba in uu mehered furto marka hore inuu soomaro ururka xirfadlaydiisa oo warqad ka soo qaato si dawladdu u diiwaan galiso oo magaciisu galo bogga diiwan-hayaha dowladda. Taasi wxay meesha ka saaraysa sheegashada beenta ah, dadweynuhuna wuxuu awood y yeelanayaa in ay iska hubiyaan qofkaas.

Ugu dambayn waxaan soo jeedinayaa in olole wacyiggelin ah la qaado oo ay ka qayb qaadanayaan dhammaan intii xil iska saraysa waxbarashada bulshada. Wacyiggelintu waxay keenaysaa in dadku iska hubiyaan in qofku waxa uu sheeganayo in ay run yihiin iyo in kale.

Wa billaahi towfiiq

Ahmed Dalmar, MD, MS, CPI

https://hubsiinohc.com

 

Leave your comment